Mareykanka Wuxuu Abaalmarin Lacageed Uu Duldhigay Sarkaal Loo Haaysto Weerarkii Al-Shabaab Ee Manda Bay

 

Dusa (Jimca), 6 Janaayo, 2023

 

WASHINGTON – Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu bixin doono lacag dhan 10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo soo qabto Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lala xiriirinayo weerarkii 2020-ka lagu qaaday Saldhig Ciidamada Cirka Kenya ay ku leeyihiin oo lagu dilay Saddex Mareykan ah.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka (RFJ) oo ay maamusho Hay’adda Ammaanka Diblomaasiyadda, waxa ay ku bixinaysaa abaal-marin dhan 10 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah ciddii keenta xog horseedi karta in la soo xiro ama lagu xukumo dal kasta oo Macallin Ayman ama qof kasta oo dalkasta galey, isku dayey, ama maleegay in uu geysto, ama gacan ka geystay fulinta weerarkii Al-Shabaab ee Janaayo 5, 2020 ee shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee garoonka Manda Bay ee Kenya.”

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa rumeysan in Ayman uu mas’uul ka ahaa qorsheynta weerarka Janaayo 2020.

Macalin Ayman ayaa hogaaminaya Jaysh Ayman oo ah cutub ka tirsan Al-Shabaab oo la aas aasay sanadkii 2013 si ay howlgalo uga fuliyaan gudaha Kenya. Kooxdan ayaa waxaa loogu magacdaray Macalin, kaasoo sida la sheegay ka soo jeeda degmada Mandheera. Kooxda ayaa fariisimo ka sameysatay dhulka howdka ah ee keymaha Boni ee gobolka xeebta Kenya ee Lamu.

Labo duuliye oo qandaraasleyaal Mareykan ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay weerarka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qandaraasle Mareykan ah iyo labo askari oo kale.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Ayman u aqoonsatay Argagixiso Gaarka ah oo Caalamiga ah bishii Noofambar 2020. Al-Shabaab waxaa loo kala saaray Urur Shisheeye iyo Argagixiso Caalamiga a bishii Maarso ee sanadkii 2008-dii.

Xigasho: Hiiraan Weyn News