Degaanka Janaay Cabdalle Ee Gobolka Jubada Hoose Ayaa Lagala Wareegay Argagixisada Al-Shabaab

 

Diimiley (Sabti), 21-01-2023

 

KISMAAYO (WBW The GBM) – Ciidamada Xoogga Dalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ciidamada Amaanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay Argagixisada Al-Shabaab ay kala wareegeen Deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM (Kiiloo Mitir) Dhinaca Galbeed uga aaddan Magaalada Kismaayo.

Warka wuxuu ku darayaa in Argagixisada Al-Shabaab ay iskaga baxeen Deegaanka Janaay Cabdalle, kadib markii ay heleen Xog sheegeyso in Ciidamo ay kusoo socdaan Deegaanka Janaay Cabdalle.

Hada waxaa Degaanka Janaay Cabdalle qabsaday Ciidamada Xoogga Dalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ciidamada Amaanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Gugii 2020ka ay aheyd markii ay Argagixisada Al-Shabaab ay la wareegayeen Deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana La-wareegitaankeeda keenay, iyada oo Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya ee halkaasi ku sugnaa ay markaasi iskaga baxeen.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).