Xukuno 5 Sano Ah, Ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ku Riday Odayaal Heshiis Lasoo Galay Argagiisada Al-Shabaab

 

 

Cadceeda (Axad), 29-01-2023

 

MUDISHO (WBW: The GBM) – War laga soo diray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegayaa in Odayaashii Heshiiska la galay Argagixisada Al-Shabaab, kadibna ay soo qabteen Ciidamada Amniga ee Degmada Cadaado marki ay Taariikhda aheyd 27dii Bishii Desember (December) ee Gugii 2022dii, in Maanta lagu xukumay midkood kasta 5 Sano oo Xabsi Ciidan ah isla markaan lagu haayo Indhaha, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute).

 

Dhawaantan ay aheyd markii Odayaashan lasoo taagayay Maxkamadda isla markaana ay ku doodayeen in Heshiiska ay Argagiisada Al-Shabaab ay kula soo galeen Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug inuu ahaa Heshiis Been Abuur ah oo ay ku doonayeen in Argagiisada Al-Shabaab ay soo daayso Dad ay iyaga ka xirtay.

Odayaasha ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay Maanta Xukunka ku riday ayaa waxey Magacyadooda, yihiin kuwa soo socdo: 1) Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Waa markii u horeysay ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay Xukun ku rido Dad Heshiis lasoo galay Argagixisada Al-Shabaab, inkastoo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay weli Xukun ku ridin kuwa sheegto iney katirsanayaan Argagixisada Al-Shabaab isla markaana kasoo baxsadeen.

Tusaale, Aadan Isxaaq Xasan oo ay Argagixisada Al-Shabaab u yaqaanaan Jacfar isla markaana uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Qeybtiisa 60aad uu Shalay soo bandhigay kadib markii uu kasoo baxsaday Argagixisada Al-Shabaab.

Ninka uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Qeybtiisa 60aad uu Shalay soo bandhigay, ayaa wuxuu Argagixisada Al-Shabaab uu uga soo howlgalay Gobolada Baay iyo Bakool oo katirsanaa Gobolkii Jubada Sare oo ka koobna (Bay, Bakool iyo Gedo) iyo Gobolka Jubada Dhexe oo isna katirsanaa Gobolkii Jubada Hoose kahor intii uusan Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu Gobolkii Jubada Sare iyo Gobolkii Jubada Hoose uusan kala googoyn.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).