XOG: Xisbiyada Mucaaradka Oo Cabsi Ka Qaba In Doorashada 2021 Loo Adeegsado Xooggaga Wadaniyiinta

 

18-11-2019

 

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac ka muujinaya in doorashada 2021 ay qeyb ka noqdaan Xooggaga Wadaniyiinta oo uu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka mid ah xubnaha saameynta leh ee Madasha Xisbiyada Qaran wareysi siinayay Tv-ga Somali Cable ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan kala cadeyn nuuca doorasho ee la qabanayo sanadka 2021, islamarkaana Madaxda Dowladda Federaalka ay ku mashquulsan yihiin caburinta madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray iyo bur burinta maamul goboleedyada ka aragti duwan Villa Soomaaliya.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in madashooda ay cabsi weyn ay ka qabaan in doorashada soo socota loo adeegsado iney codeeyaan Xooggaga Wadaniyiinta oo sida la sheegay hal dhinac u jan jeera, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ku eedeeyay iney hareer mareen sharciga dalka, islamarkaana ay haadaan ka tuurayaan dadka iyo dadka Soomaaliyeed ee ay mas’uul ka yihiin.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Ileys ayaa dhanka kale sheegay inuu jiro walaac ah in Madaxweyne Farmaajo uu Kiiska Badda ee Kenya kala dhaxeeyo uu ku bedesho bur burinta Maamulka Jubbaland oo khilaaf adag uu kala dhaxeeyo. – Shaaciye News

Leave a Reply