XOG: RW Kheyre Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb Oo Xiisad Ka Taagan Tahay

 

01-12-2019

 

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud,halkaasi oo xiisad ka dhalatay ciidan Itoobiyan ah oo gaaray ay ka taagan tahay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa inoo sheegay in tegitaanka Ra’iisal Wasaaraha magaalada Dhuusamareeb ay gogol xaar u tahay in la dhammeeyo khilaafka ka jira dhismaha Maamulka Galmudug ay qabaan Ahlu Suna Waljameeca oo qeyb ka ah hanaanka dhismaha maamulka.

Wuxuuna Mudane Xasan Cali Kheyre mudada uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb la kulmi doonaa dhincyada wax ka tabanaya hanaankan ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka, sidoo kale warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre uu Dhuusamareeb kaga sii gudbi doono magaalada Cadaado oo ay ka jirto tabasho ku aadan Dhismaha Maamulka Galmudug.

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in muddo todobaad ah la hakiyey howlaha doorashada Galmudug ee ka socday magaaladaas.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay Go’aamisay in wada-hadal lala furo hoggaanka Ahlusunna oo haatan saluugsan sida ay dowladda federaalka u wajaheyso dhismaha Maamulka Galmudug.

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya ahna xiriiriyaha dowladda ee Arrimaha Galmudug sidoo kalena uu dhalay hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlusunna ee Macalin Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu tago Magaalada Dhuusamareeb.

Ilo xog-ogaal ah ayaa waxay sheegeen in maalmaha soo socda dib loo bilaabi doono wada-hadallada si Ahlusunna looga qanciyo tabashada ay ka qabto sida lagu wado dhismaha Maamulka Galmudug. – Shaaciye News

Leave a Reply