XOG: Maxaa Loo Adeegsaday Weerarkii Ka Dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir?

 

26/07/2019

 

Muqdisho – Warar is khilaafsan ayaa tan iyo maalintii shalay kasoo baxayay waxa loo adeegsaday Qaraxii maalin ka hor ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho, iyadoona ilaa hadda oo xilliga weerarka laga joogo wax ka badan 72 saacadoo,iyadoo ay jiraan warar sheegaya in weerarkaasi uu fuliyay ruux isa soo miidaamiyay.

Xog gaar oo aan helnay ayaa tibaaxaysa in howlgalkaas loo adeegsaday maaddo qaraxda oo lagusii diyaariyay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir sida ay noo sheegeen saraakiil ka gaabsaday magacyadooda oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Waxayna tani meesha ka saareysaa wararka la isla dhexmarayo xitaa Dowladda ay sheegtay oo ah in Haweeney indhoole ah oo isa soo miidaamisay ay isku qarxisay howlgalka shirarka ee maamulka Gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in uu qaraxu ku diyaarsanaa gudaha xarunta islamarkaana loogu talagalay in lagu beegsado wakiilka gaarka ah ee Q.Midoobay u jooga Soomaaliya ninka lagu magacaabo James Swan.

Balse cillado farsamo oo dhacay darteed wuxuu sarkaalku sheegay in ay maadadu qarxi weysay intii uu joogay wakiilka balse ay goordambe ku qaraxday saraakiisha maamulka gobolka Banaadir oo halkaas ku shirayay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyada weerarkan iyadoo tibaaxday in uu beegsanayey James Swan, wakiilka QM ee Soomaaliya kaas oo booqanayey xarunta maamulka gobolka Banaadir waxaana qaraxaas ku hoobtay saraakiishii maamulka gobolka Banaadir ee halkaas ku qaabilay Danjiraha.

Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali war rasmi ah ka soo saarin nuuxa Qaraxa iyo cida fulisay inkastoo wali baaritaano ay socdaan. – Shaaciye News

Leave a Reply