Xisbiyadda Mucaaraadka ee Somaliland oo iska diiday in Farmaajo Hargeysa taggo

 

16/02/2020

 

Hargeysa – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga soo horjeestay Warar sheegayay saacaddihii lasoo dhaafay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tagaayo Magaalada Hargeysa.

Waxaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.

“Roog cas in loo fidiyo Madaxweyne Muuse kadibna afka loo soo geliyo Farmaajo ayaa imanaya Hargeysa ma ahan mid na qabata, Madaxweyne aan tegi Karin gobalada uu maamulo sida Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ma aha in uu yiraahdo Hargeysa ayaan tagayaa ma aha mid aan aqbalayno”, ayuu yiri Feysal Cali Waraabe

Soomaaliland ayaa qoraal waxaa ay u dirtey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed taas oo ku aadan in marnba aysan suuragal aheyn in Madaxweyne Farmaajo tago Magaalada Hargeysa.

Qoraalka loo direy Abiy Axmed oo ay heshay Warbaahinta ayaa lagu wargeliyey Abiy Axmed in Soomaaliland marnaba diyaar u aheyn in ay Hargeyso kusoo dhaweyso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in todobaadkaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu Golaha Wakiilada horgeyn doono qodobka ku saabsan in Farmaajo Tago Hargeysa, sidoo kale uu faah faahin ka siin doono kulankii uu Addis Ababa kula qaatay Madaxweyne Farmaajo. – Radio Risaala

Leave a Reply