Xisbiga Cadaalada Iyo Horumarka (JDP) Oo Eedeeyay Madaxda Dowladda Soomaaliya

 

01-12-2019

 

Muqdisho – Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka (JDP: Justice and Development Party) ee uu hoggaamiyo Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa lagu soo waramayaa in Madaxda Dowladda Soomaaliya sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre uu ku eedeeyay inay hareer mareen Dastuurkii Dalka Soomaaliya u degsanaa, kadib markii ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM ay soo geliyeen dalka; iyagoo u adeegsanayo arrimo siyaasadeed.

Eedeyntan ayaa kusoo aaday xili ay Madasha Xisbiyada Qaran iyo Xisbiga Wadajir ay cambaareeyeen Ciidamada Itoobiyaanka ah oo ay adeegsanayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Halka hoose ayaa laga aqrinsan karaa qoraalka Xisbiga

Leave a Reply