Xildhibaano Kismaayo Kaga Dhawaaqay Go’aamo Ka Dhan Ah Dowladda Dhexe

 

25/05/2019

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doorto degaanada Maamulka Jubbaland ayaa maanta Kismaayo kaga dhawaaqay in ay ka hortagayaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dooneyso in ay u gasho maamulka Jubbaland sidii doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Senetaradda kala ah Iftin Xasan Baasto, Axmed Xaashi iyo Fartaag ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Musharaxiinta ay been ka sheegeen Amniga Maamulka Jubbaland.

Waxaa ay sheegeen in hadii Dowladda Dhexe ay isku daydo in ay faragaliso Doorashadda Jubbaland in ay ka hortagi doonaan, islamarkaana Maamulka Jubbaland ay ka dhici doonto doorasho Xalaal ah.

Senetorada kala ah Fartaag iyo Iftin Xasan Baasto ayaa sheegay in ay la socdaan qorshe ay waddo Dowladda Dhexe oo xiisad Amni daro looga abuuraayo degaanada Maamulka Jubbaland, islamarkaana ay qaadi doonaan doorkood si looga hortaggo arintaasi, maadaama ay la socdaan dhibaataddii Dowladda Soomaaliya ay ka geysatay Magaalada Baydhabo. – Radio Risaala

Leave a Reply