Xildhibaano Katirsan Golaha Shacabka Oo Mooshin U Gudbinaya Guddoomiye Mursal

 

29-06-2020

 

Muqdisho – Warar soo baxay ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya ay wadaan mooshin ku aaddan in golaha shacabka lagu soo darro 30 xildhibaan kuwaasi la siinayo sida ay tilmaameen beelaha kuraasta aan ku laheyn labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya.

Mooshinkaan ayaa lagu wadaa in guddoonka loo gudbiyo kulanka maanta, islamarkaana kulanka lagu soo daro haddii uu fasaxo guddoonka golaha shacabka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xildhibaannada mooshinka wada ay yihiin kuwii kasoo horjeeday in aqalka sare laga siiyo 13 senator gobolka benaadir.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo kol hore warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sharci darro tahay in kuraasta aqalka sare laga siiyay gobolka benaadir loo qeybin doono beela gaar ah, islamarkaana lagu dulmin doono beelaha kale, arrintane ay tahay mid ka baxsan caddaaladda.

Kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa looga doodi doonaa ajandayaasha kala ah heshiis soomaaliya iyo turkiga ay gaareen iyo xeerka asteenta kuraasta golaha shacabka. – Radio Kulmiye

Leave a Reply