Xildhibaano Ka Tirsan Galmudug Oo Shaaciyay In La Soo Afjaray Khilaafkii Maamulkaasi

10 Oktoobar, 2018

 

Dhuusomareeb – Kadib doorashadii guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa xubno ka tirsan xildhibaanada maamulkaasi waxa ay si cad u sheegeen in uu dhamaaday khilaafkii madaxda sare ee Galmuudg

Xildhibaan Siyaad Maxamed oo ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada Baarlamaanka Galmudug ayaa shabelle u sheegay in xilligan uu san jirin wax khilaaf ah oo ka taagan Galmudug.

Waxaana uu tilmaamay in qaab Cadaalad iyo Dastuuri ah ay u dhacday doorashada guddoomiayaha Baarlamaanka maamulkaasi oo lagu doortay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Shalay ayaa Ismaaciil Cabdulle Axmed Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudg waxaa ay u doorteen in uu noqdo gudgoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, kaasi oo la tartamay illaa iyo labo musharrax oo uu ka guuleystay

Xildhibaanada Doortay gudgoomiyaha susyb ayaa horay waxaa ay xilkii kaga qaadeen Cali Gacal Casir kadib Mooshin ay ka gudbiyeen. – Radio Shabelle

Leave a Reply