Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka soomaaliya oo gudbiyay cabasho ka dhan ah AMISOM

14-12-2018

 

Xildhibaano ka tirsan barlamaanka fedaraalka soomaaliya ayaa warqad waxay u qoreen wadamada safiirada ay ka joogaan gudaha dalka oo ay uga cabanayaan Ciidanka Nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Ashtakadan ayaa waxaa ku xusnaa in ciidanka Amisom ee jooga soomaaliya in ay ka weecdeen howlihii ay u joogeen soomaaliya lana safteen madaxtooyada dowlada Fedaraalka soomaaliya.

Fariintaan ayaa waxaa loo diray safiirada wadamada Mareykanka, Kanada, Finland, Kenya, Faransiiska, Ingariiska, Holand iyo dalalka kale u fadhiya Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale cabashadaan loo diray Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalmo ka hor xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay gudoonka baarlamaanka u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. – Universal Somali TV

Leave a Reply