Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka arrinsanaya wax ka badalka sharciga Shaqaalaha Rayidka

 

06-07-2019

 

Muqdisho – Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maaanta iney kulan ay kaga hadli doonaan akhrinta koowad ee wax ka bedelka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixin lagu wado in laga dhageysto mudaneyaasha Soomaaliya u matalayay Baarlamaanka Jaamacada Carabta ku yeeshan xaruntooda golaha ee magaalada Muqdisho.

Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Radio Muqdisho u sheegay ajandayaasha kulanka maanta ay ugu weyntahay mid la xiriirta shaqada iyo shaqaalaha iyo in warbixin laga dhageysto guddi baarlamaanka u qaabilsan Jaamacadda Carabta oo madasha xog ka siin doono waxyaabihii ay kala soo kulmeen shirarkii Jaamacadda Carabta ee ay ka qayb galeen.

“Dowladaha Carabta waxa ay ka dhiidhiyeen sheegashada Kenya ee Badda Soomaaliya, iyagoo si cad uga soo horjeestay arrintaasi iyo xuduud beenaad ay sameysatay Kenya oo ay ku dooneysay inay ku marin habaabiso dunida, Jaamacadda Carabtuna waa ay nala qaateen mowqifka Soomaaliya ay ka taagantahay arrinta badda kaddib markii aan xog badan ka siinay arrintaas” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa xusay in Jaamacadda Carabta ay diyaar u tahay in Soomaaliya ka caawiso horumarinta dhinacyada dhaqaalaha iyo hirgelinta mashaariicda la doonayo in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka. – Radio Muqdisho

Leave a Reply