Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad marsiiyay sharciga Dakhliga dalka

 

11-05-2019

 

Muqdisho (SONNA) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii 13-aad ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheikh Muudeey wuxuu ka tacsiyadeeyay geeridii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf ‘’Cabdi Waraabe’’.

Intaasi ka dib waxa ay xildhibaanada Akhrinta 1-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Dakhliga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda,waxaana golaha u akhriyay Wasiirka Maaliyadda Dalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dhinaca kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka waxa ay Akhrinta seddaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha,waxaana xildhibaanadda u faah faahiyay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene oo ah guddoomiyaha guddiga Ganacsiga,Dhaqaalaha,Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanadda ayaa cod geliyay Hindise sharciyeedka Shirkadaha ,waxaana haa ku ogolaatay 142-Xildhibaan oo ahaa tirada guud ee xildhibaanada kulanka joogay sida uu natiijada ku dhawaaqay kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ oo kulanka soo xiray.

Leave a Reply