Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiisyo muhiim ah

 

18/05/2019

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyey heshiiskii Baydhabo oo guddiga Kheyraadka Golaha maanta ay hor keeneen.

Xildhibaanada ayaa sidoo kalena ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah, kaasi oo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka uu Baarlamaanka hor keenay.

Heshiiska Kheyraadka ayaa waxaa ka taagan Muran badan, waxaana kasoo horjeedda qaar ka mid ah maamul goboleedyadda.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa horay Heshiiskaan uga dooday, waxaana ugu dambeyntii maanta ay ku guuleysteen in la ansixiyo. – Baidoa News

Leave a Reply