Xildhibaanada Galmudug Baa Xilkii Ka Qaaday Madaxweyne Kuxigeenkii Gal-Mudug Maxamed Xaashi Carabey

 

18 Settembre, 2018

 

Dhuusarameeb (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay maanta xilkii ka qaadeen Madaxweyne kuxigeenka Gal-Mudug Maxamed Xaashi Carabey kadib markii mooshin xil ka qaadis ah laga keenay Madaxweyne kuxigeen Maxamed Xaashi Carabey.

Warka wuxuu ku darayaa in xil ka qaadistisa ay u codeeyeen 140 Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug.

13-da bishan ay aheyd markii ay Xildhibaanada Baarlamaanka Gal-Mudug ay xilka ka qaadayeen Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Gal-Mudug Cali Gacal Casir, waxaana xil ka qaadistiisa u codeeyay 146 Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka aamusay xil ka qaadistiisa.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa had iyo goor lagala socon karaa wararka xiisaha leh ee ha moogaanina.

Leave a Reply