Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeelanayo magaalada Muqdisho

24/10/2018

 

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen Ajendaha kulanka inuu yahay aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.

Kulan xildhibaanada ay Isniintii ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay uga hadleen ilaa dhowr Ajande, waxaana ahmiyad gaar ah la siiyey akhrinta labaad hindisa sharciyeedka wax ka badalka sharciga guud ee Hanti Dhowrka Qaranka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla sharciyo badan oo la rajeynaayo in kulumada soo aadan ay wax ka badal ku sameyn doonaan sidaasna ay ku ansixin doonaan. – Hiiraan Xog

Leave a Reply