Xildhibaan Ka Hadlay Sababta Ay Maanta U Tageen Magaalada Kismaayo

 

14/08/2019

 

Kismaayo – Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland oo dhawaan la filayo in doorashooyin ka dhacaan.

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeedka ay Kismaayo u tageen ay tahay in ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland.

”Ujeedka aan u tagay Kismaayo ayaa ah in In hey’adaha Dastuuriga ah ee dawlad federaalku gaar ahaan hey’adda sharci dejintu oo aan ka tirsanahay ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland, waxaan u kuurgaleynaa habsami u socodka hanaanka iyo Geedi-socodka doorashada Jubaland ka dhacaysa maalmaha nagu soo fool leh.” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanadan maanta tagay magaalada Kismaayo ayaa u badan Xildhibaano siyaasad ahaan mucaarad ku ah Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna Xildhibaanada garab istaag u muujinayaan Axmed Madoobe oo doorashada la filayo in uu kusoo baxo. – All Banaadir News

Leave a Reply