Xildhibaan Fiqi “Shacabku waa in ay ogaadaan cidda dayacday amniga hadii daacadnimo jirto”

 

06-04-2019

 

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay sababtii maanta warbaahinta loogu diiday inay ka geybgasho Kulankii baaqday ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Fiqi ayaa eedeyn u jeediyay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isagoona sheegay in si qaldan uu ugu dhawaaqay tirada codadkii loo qaatay warbaahinta ee ku aadanaa in kulankii maanta ay dibada ka joogayaan iyo in kale.

Waxaa kaloo uu tilmaamay Xildhibaanka in waxa laga hadlaayo ay tahay xaalada amniga ee dalka, isla markaana loo bahan yahay inay ogaadaan Shacabku cidda dayacday amniga Magaalada Muqdisho hadii daacadnimo jirto.

Hadalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo maanta uu baaqday kulankii su’aallaha lagu weeydiin lahaa Mas’uuliyiinta Amniga Dowladda Soomaaliya, kadib markii khilaaf uu ka dhashay codadkii loo qaaday Warbaahinta, kaasi oo ahaa in banaanka looga saaro kulanka looga hadi lahaa amniga dalka. – Baidoa News

Leave a Reply