Xildhibaan Fiqi iyo Guddoomiye Yariisow oo qoraalo kulul isku weydaarsaday baraha bulshada

02-11-2018

 

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow oo weerar afka ku qaaday siyaasiyiinta Mucaaradka.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in shacabka Muqdisho aanay u baahneyn Guulwade, isagoo ula jeeday Guddoomiye Yariisow oo uu ku dhaliilay inuu shaqadiisa gabay.

“Guddoomiye Yariisow waa hadlay laakin waddooyinka mugdiga noqday, balliyada biyaha Muqdisho roobabku ku reebeen iyo qashinka Meel kasta yaalla ayaa shaqadoodu u taallaa iyo inuu wax ka yiraahdo, laakin mucaaradka ka hadalkiisa madaxweynaha ayaa Koofurta Sudan fariin uga Soo diray oo ku filan, Mise dhaqanka Guulwadaynta waa lagu qasban yahay,Yariisow hala gaarsiiyo shacabka Muqdisho Guddoomiye ayey u baahan yihiin ee uma baahna Guulwade.”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Fiqi oo ka jawaabayay hadalkii Guddoomiye Yariisow ku weeraray siyaasiyiinta Mucaaradka.

Intaas kaddib Guddoomiye Yariisow ayaa qoraal ugu jawaabay Xildhibaan Fiqi, isagoo sheegay in Xildhibaanka aanay aheyn inuu dhibsado ama inuu difaaco waxa uu ugu yeeray qaswadayaasha buun buuniya argagixisada.

“Waa nasiibdaro in Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi uu dhibsado ereyada ah yaan la siyaasadeynin amniga iyo inuu difaaco Qaswadayaasha buunbuuniya argagaxisada. Fadlan haloo sheego Fiqi in shacabka aysan raalli ka aheyn Qas Wade kalkaaliya Argagaxisada”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Xildhibaan Fiqi ayaa hadalka Yariisow ka soo jawaabay daqiiqado kaddib jawaabtiisa labaad ayaa yiri “Guddoomiye Yariisow waa mahadsan yahay haddii fariintaydii ay gaartay si degdeg ahna uu uga Soo jawaabay, si la mid ah ayaan jeclaan lahaa inuu uga jawaab celiyo qayladhaanada shacabka gobolka Banaadir ka Soo baxaya ee dhinac kasta leh. Amniga dalka dadka kama xigtid, wasaaraddo iyo hey’ado loo xilsaartay ayaa jira, waxaa kula gudboon talo ahaan inaad hawlaha kuu yaalla ee umaddu kaa sugayso inaad ka hawlgasho”

Qoraalada ay isugu jawaabeen Guddoomiye Yariisow iyo Xildhibaan Fiqi ayaa saacadihii u dambeeyay qabsaday baraha bulshada, waxaana dadka ay hadal hayeen labada hadal oo u muuqday weerar iyo difaac.

Hase ahaatee Guddoomiye Yariisow oo ah nin qunyar socod ah ayaa looga baran hadalada kulul ee mucaaradka ku weeraro, hadana waxaa loo arkaa mid uu dhibco siyaasadeed ku raadinayo ama ku difaacayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka ayaa qoraalo ku weerara Madaxda dowladda, waxaana inta badan ku dhaliilaan Madaxda dowladda inay ka gaabiyeen amniga iyo gaarsiin la’aanta adeegyada bulshada ee ay shacabka u baahan yihiin. – Jowhar News

Leave a Reply