Xiisadda Masar iyo Itoobiya ee webiga Nile oo kasii dartay

 

22/05/2020

 


Biyo-xireenka ay Itoobiya dhiseyso.

 

QAAHIRA – Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar ee salka ku haya biyo-xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

Biyo-xireenkaas ayaa Masar ay u aragto inuu yareyn doono biyaha Masar ay ka hesho webiga Nile, oo bixiya in ka badan 90% biyaha ay cabaan islamarkaana isticmaalaan boqolka milyan ee dalkaas ku nool.

Itoobiya oo iyana dooneysa inay koronto ka dhaliso biyo-xireenka ayaa ku doodeysa inuu muhiim u yahay dhaqaalaheeda iyo horumarkeeda.

Wadahadallo muddo soo socday oo lagu doonayay in khilaafkaasi xal looga gaaro ayaan miro-dhal noqon, waxaana jiray hadallo kulul oo ay dhinacyada is-dhaafsadeen.

Jacfar Kukay ayaa waxyaabaha soo kordhay iyo xaaladdu halka ay hadda mareyso warbixintan ka diyaariyay.

DHAGEYSO Xiisadda Masar iyo Itoobiya ee webiga Nile oo kasii dartay

– VOA Somali

Leave a Reply