Xiisad Xoogan Oo Ka Taagan Qaybo Kamid Ah Mudug

 

06-12-2019

 

Gaalkacyo – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku waramaya in ay xiisad xoogan ka taagan tahay degaanka Af-barwaaqo.

Xiisadda ayaa waxay ka dambeysay markii shalay uu halkaas ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay laba maleyshiyaad oo hubeysan.

Fahfaahinada ayaa tibaaxaya in sidoo kale dadka ay ka cabsi qabaan in mar kale uu dagaal qarxo, maadaama saan-saan colaadeed ay muuqaneyso.

Dadka degaanka ayaa waxay kusoo waramayaan in ay socoto dedaaladda la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddan aadka culus.

Odayaal dhaqameedyo ku baxay xiisaddan ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dedaalayaan sidii ay u dejin lahaayeen xaaladda oo lagu qeexay mid kacsan.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply