Xiisad Xoogan Oo Ka Taagan Duleedka Kismaayo

 

30-11-2019

 

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada huwanta ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo cusub ka bilaabay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka dhaqaaqeen dhanka deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa ujeedka ku sheegay inuu la xariiro sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaasi.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana haatan dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xariirta in dagaal uu ka qarxo halkaasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply