Xiisad ka taagan magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose

 

11-03-2020

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxaysa labo beelo oo halkaasi wada dega.

Xiisadda ayaa dhalatay ka dib markii labada beel ee dirirta isku haya ay midka ka mid ah shalay gelinkii dambe ka qabsadeen baabuur xilli uu safar ku jira, waxaana la sheegay in xiisadda colaadu ay sii weynaatay ka dib markii beesha kale ay weerar soo qaadeen ay ku doonayaan in ay ku soo ceshadaan baabuurka laga haysto.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in baabuurkoodii ay beeshaasi soo ceshadeen, balse ay jirto saameyn isku socodka bulshada ah iyo dhanka ganacsiga ah oo maanta ka jirta magaalada.

Waxaan u kuurgalnay in aan wax ka weydiino xiisaddan maamulka degmada iyo taliska boolisga magaaladaasi Wanlaweyn, inkasta oo ay noo suurto geli weyday, haddana waxaa daminta xiisadi ku hawlan odayaasha beelaha is haya iyo waxgaradka. – Radio Kulmiye

Leave a Reply