Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Gobolka Galgaduud

 

07-04-2020

 

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi.

Xiisadaan oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa ka taagan inta u dhexeysa degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay haatan dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay barakac bilaabeen, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta dagaalladaasi.

Dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyey illaa 20 ruux oo u badan dhinacyadii diriray. – Radio Shabelle

Leave a Reply