Xeer-ilaaliyaha oo doonaya in Assange loo soo gudbiyo Sweden

 

20-05-2019

 


Julian Assange sawir: Matt Dunham/AP

 

Xeer-ilaaliyaha ayaa gudbiyey codsiga ah u soo gudbinta asaasaha Wikileaks Julian Assange Sweden isagoo lagu tuhunsan yahay danbi kufsi.

Hey’adda xeer-ilaaliyaha ayaa sidaa ku sheegtay fariin jaraa’id.

Ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud xarunta Göteborg Eva-Marie Persson ayaa dooneysa in Assange oo imminka ku jira xabsi ingiriiska ah loo soo gudbiyo Sweden iyadoo uu jiro tuhun la xiriira kufsi, sida ay qortay hey’adda xeer-ilaaliyaha.

Eva-Marie Persson ayaa fariinta jaraa’id ku sheegtay in haddii maxkamaddu go’aamiso arrinka ah in Assange loo soo gudbiyo Sweden ay iyadu markaa u gudbin doonto codsiga Yurub ama waxa loogu yeero ”europeisk arresteringsorder” taasoo ay ku codsan doonto in Asange loo soo gudbiyo Sweden.

– Radio Sweden Somali

Leave a Reply