Xarun Telefishinka Universal oo weerar lagu qaaday

 

30-03-2019

 

Muqdisho – Telefishinka Universal oo ka mid ah kuwo Madaxa banaan ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay saaka weerar kusoo qaadeen.

Dagaal socday Muddo kooban ayaa dhexmaray Ciidanka Ilaaladda ka haayay TV-ga, Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidanka Madaxtooyadda Soomaaliya qeybta Madaxtooyadda ee xigta dhanka degmada Boondheere.

Wali si rasmi ah looma shaacin Khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sababta ka dambeysa in la weeraro, iyaddo ay xusid mudan tahay in uu ku yaalla meel u dhow Madaxtooyadda Soomaaliya. – Baidoa News

Leave a Reply