Xal Laga Gaaray Khilaafka Doorashooyinka Somaliland

 

27/02/2020

 

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada Somaliland kuna saabsanaa arrimaha doorashooyinka ayaa lasoo gaba-gabeeyey, waxaana laga gaaray heshiis hordhac ah oo ay sadexda Xisbi kala saxiixdeen, ayna goobjoog ka ahaayeen Midowga Yurub oo dhaqaalaha Doorashooyinak bixinaya.

Sadexda Xisbi ee Somaliland ayaa ku heshiiyey sadex qodob oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka, iyadoo xooga la saaray sidii ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen doorashooyinka labada golle iyo deegaanka oo dhawaan qorsheysan.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyada aysan jirin cid kale oo kulanka ku wehlinaysay.

Dhinacyada ayaa heshiis ka gaaray hanaanka doorashada Soomaaliland oo in mudda ah ay isku mari la’aayeen xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah hogaamiyaashooda.

Qodobada la isku raacay ayaa waxaa ka mid ah

1) Somaliland waa in ay doorashada Golaha barlamaanka Iyo Golaha degaanka La qabtaaa Bisha 9-aad ee sanadkaan 2020.

2) Waxa doorashada Maamulaaya Koomishankii Hore ee Qaranka oo Lagu daray Saddex Xubnood oo beesha Caalamka Ah.

3) Dhamman Xogaha Iyo Ducmentiska Doorashooyinka Somaliland Waxa Maamulaaya 3 ruux oo ka Socda Midowga Yurub.

– Radio Kulmiye

Leave a Reply