Xaaladda Caafimaad ee Guddoomiye Yariisow oo soo hagaageysa

 

29-07-2019

 

Dooxa – Waxaa soo hagaageysa xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan oo lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku sugan magaalada Dooxa kana mid aha dadka raacay dhaawacyada loo qaaday dalkaas ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha.

Wasiirka ayaa sheegtay in Xaaladda Caafimaad ee Guddoomiye Yariisow ay tahay mid aad uga fiican siidii hore.

Marwo Khadiijo ayaa rajo wanaagsan ka muujisay Xaaladda Guddoomiyaha waxaana ay sheegtay in uu soo roonaanayo, iyadoo xustay in dhaqaatiirtu ay u sheegeen in xaaladdiisu ay fiicantahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhaawac ka soo gaaray qarax argagaxisadu ay dooneysay in ay ku gumaadaan dadka indhaha u ah bulshada, balse sidi ay rabeen uu Alle ka bad baadiyay. – Radio Mogadiscio

Leave a Reply