Xaaladaha Cudurka COVID19 ee Somaliland oo Sii Korortay

 

24/05/2020

 

Waxaa kor u kacay tirada dadka uu soo ridanayo cudurka COVID19 ee deegaannada Soomaaliland, sida wasaaradda caafimaadku u sheegtay warbaahinta.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa waxa uu sheegay in cudurku uu si dhakhse ah ugu sii fidayo gudaha Soomaaliland, isagoo sheegay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay laga helay ku dhawaad 40 ruux.

Dadkan ayaa waxa uu sheegay in ay ka mid ahaayeen 110 ruux oo baaritaanno kala duwan lagu sameeyay, kadib markii looga shakiyay cudurka.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan dadkani ay ku nool yihiin magaalada caasimada ah ee Hargeysa. – Radio Kulmiye

Leave a Reply