Xaaf Oo La Kulmay Sarakiil Ka Socotay Hay’adda Socdaalka

 

15-03-2019

 

Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducalle Gelle Xaaf ayaa la kulmay Saraakiisha Laanta Afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Xubanaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxa ay ka kala socdeen dhamaan Degmooyinka Galmudug, waxaana hogaaminaya Agaasimaha Laanta afaraad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Sugaal Yuusuf.

Saraakiisha ayaa uga warbixiyay Xaaf qaabka ay u shaqeeyaan iyo halka ay wax u marayaan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay sida wanaagsan oo ay bulshada reer Galmudug ugu shaqeeyaan uguna fududeeyaan baahiyaha ay qabaan hadii ay tahay helitaanka Passport-ka oo kolkii hore u soo doonan jireen caasimada dalka.

Leave a Reply