Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada

25 Agoosto, 2018

 

SAWIRKA: (Veronica Henri/Toronto Sun)

 

Wiil Soomaali ah ayaa lagu dilay subaxnimadii Jimcihii shalay magaalada Toronto ee dalka Canada, iyadoo ay sii kordheyso dilalka dhalinyarada Soomaalida loogu geysanayo dalkaas.

Wiilka la dilay oo da’diisa lagu sheegay 30 jir ayaa lagu magacaabayay Kaafi Bashiir Bahweyn, waxaana toorey la dhacay wiilal kale oo la sheegay inay ahaayeen dhalinyaro Soomaali ah.

Booliska magaalada Toronto ayaa baaritaan ku haya falka dilka ah, waxaana loo qabtay wiil 17 jir ah oo looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dilka.

Dilkan ayaa ka dhacay dhisme ku yaalla Xaafada Weston oo ay Soomaalida ku badan tahay, waxaana dhalinyarada ay ku dagaalameen dhismaha, kaddibna ay dibadda iskula soo baxeen, halkaasoo lagu toreeyay wiilka Soomaaliga ah.

Magaalada Toronto ayaa waxaa ka dhacayay bilihii la soo dhaafay dilal loo geysto dhalinyarada Soomaalida, waxaana badankood dilalka uu yahay kuwo ka dhasha murano dhex mara dhalinyarada Soomaalida iyo kuwa madowga ah. – Jowhar News

Leave a Reply