Wiil Dhalinyaro Ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Xamar Weyne

01/10/2018

 

Muqdisho – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ayuub Axmed Daahir, waxaana uu ka mid ahaa ganacsatada Suuqa degmadaasi.

Sida la sheegay Marxuumka waxaa dilay Kooxo burcad oo dhac ka geysanayay gudaha degmadaasi Xamarweyne.

Dilka Marxuumka ayaa yimid, kadib markii uu isku dayay in Moobil uga qaado Raggaasi burcada ah gabar ay dhac u geysteen, balse rasaas ay fureen uu ku dhintay Marxuumkaasi.\

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmadaasi oo ku aadan dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha Muqdisho ku soo badanayay kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii ah dhac ka geysta qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. – Radio Shabelle

Leave a Reply