Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Yaaqshiid

 

06/03/2019

 

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo xalay ka dhacay degmada Yaaqashiid ee gobolka Banaadir.

Weerarkan oo loo adeegsaday Bam-Gacmeed ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday ciidamo ku sugnaa waaxda Horseed ee degmadaasi.

Hala qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintan weerarkan, taas oo la sheegay in ay aheyd Haweeney ganacsato ah oo ku sugneyd halkaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkaasi.

Leave a Reply