Weerar ka dhacay Degmada Balcad & faah faahin laga helay

 

04-06-2020

 

Balcad – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar la sheegay in saaka xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellahga Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in halka la weeraray ay tahay ciidamo ku sugan Bar-koontorool oo laga ilaaliyo degmada Balcad taas oo ku aadan wadada ka timaada dhinaca degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ku dhow saacad.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, waxaana dadka degmada Balcad ay sheegayaan in waaberigii hore ee saaka uu weerarka halkaasi ka dhacay.

Maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha Ciidamada Millateriga weli kama hadlin, waxaana la soo sheegayaa in Ciidamada Dowladda oo wata gaadiidka dagaalka ay howlgal ka wadaan duleedka galbeed ee degmada Balcad. – Radio Risaala

Leave a Reply