Webiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano hoostaga degmada Mahadaay

 

20-05-2020

 

Muqdisho (SONNA) – Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay iyo tuulloyin dhowr ah oo hoostaga, kuwaas oo ay ka barakaceen dadkii deganaa.

Tuulooyinka uu wabiga ka fatahay ee degmada Mahadaay ayaa waxaa kamid ah, Diinlaawe, Buurfuule, Shiidle Bari, Buulo Axmed, Kulmis iyo deegaano kale, isla markaana dalagyo farabadan ay fatahaada baabi’isay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Saalax Fuleel Xaaji ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinkaas iyo kuwo kale ay ka barakaceen dadkii ku noolaa oo uu fataahada saameeyey, isla markaana deegaano kale ay dhibaatooyin ku heystaan.

Waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin gurmad kasoo gaaray, sidoo kalena Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin wax dadaal ah oo ay wadaan si loogu gurmado shacabka ay fatahaadu barakicisay.

Leave a Reply