(UPDATE 1 ) Waxaa La-horistaagay Booqashadii Uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Iswiden (Sweden), Uu Ku Tagi Lahaa Dalka Turkiya

 

Dusa (Jimca), 13/01/2023

 

Boombale tiir laga soo daldaley. Sawir: Rojavakommitteerna.

 

ISTOOK-HOOLM (STOCKHOLM) – Warar laga helay Magaalo Madaxda Dalka Iswiden ee Istook-hoolm (Stockholm) ayaa waxey sheegayaan in Mudane Andreas Norlén oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Iswiden (Sweden), in laga la-horistaagay Booqasho uu Dalka Turkiya uu ku tagi lahaa Todobaadka soo aaddan.

Hor-istaaga uu Dalka Turkiya uu ku sameeyay Booqashada, uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Iswiden (Sweden), Andreas Norlén uu ku tagi DalkaTurkiya, ayaa waxaa dhaliyay Dibadbax ay dhigeen Taageerayaasha Kurdiga (Kurdistan) ee la yiraahdo Rojava ee isla markaana ku sugan Dalka Iswiden.

Taageerayaasha Kurdiga (Kurdistan) oo Banaanbaxa dhigay Maalintii Shalay oo ay Bishan aheyd 12da, ayaa waxey Banaanbaxooda ay kusoo bandhigeen Baambola (Bambola) loo egeysiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiya, Recep Tayyip Erdoğan; iyaga oo Baambolaha kasoo raariciyeen ama kasoo laalaadiyeen Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Istook-hoolm horteeda ee Dalka Iswiden.

Xigasho: Radio Sweden, Somali Section