Waxaa Bilowday Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Wasiirka Waxbarashada Ee Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre – DAAWO

 

14/05/2019

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Warar soo garay Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) isla markaana kasoo gaaray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho aa waxaa ay sheegaayaan in arday aad u badan ay maanta banaanbaxyo ka dhigeen Muqdisho.

Banaanbaxyada maanta bilowday, waxaa ay ka dambeeyeen markii uu Wasiirka Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu xalay amray in ardada laga joojiyo imtixaanaadkii u ssocday 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay, usigoo qiil ka dhiganaayay in ardada ay isu gudbiyeen imtixaanadka, kalane fiirsadeen intey ay ku jireen imtixaanadka.

Halkan Hoose Baa Laga Fiiri Karaa Banaanbaxa Ay Ardada Muqdisho Dhigayaan, Iyadoo Laga Soo Qaatay Hiiraan Online

Leave a Reply