Waxaa Baaqday Shirkii Ay Muqdisho Ku Yeelan Lahaayeen Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Iyo Dowlad Goboleedyada

 

19/04/2019

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Maanta oo ay taariikhda tahay 19-ka Abriilo ee sanadkan 2019-ka aa waxaa degsaneed in Muqdisho uu ka furmo shir ay iskugu imaan lahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada. Hase ahaatee, shirkaasi waa uu baaqday, sida lagu soo waramayo.

Waxyaabaha baajiyay shirkaasi, sida lasoo sheegayo, aa waxaa kamid ah; iyadoo Dowlad Goboleedyada Gal-Mudug iyo Jubaland ay ku sugan yihiin Nayroobi isla markaana ay halkaasi kula kulmayaan beesha caalamka.

Warka wuxuu kusii darayaa in Dowlad Goboleedka Puntland ay iyadane kusii biirtay Dowlad Goboleedyada Gal-Mudug iyo Jubaland ee haatan ku sugan Nayroobi, lana kulmayo beesha caalamka.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply