Wasiirkii Degaanka Puntland Oo Muqdisho Ugu Geeriyooday Cudurka Covid-19

 

25-05-2020

 

Muqdisho – Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa cudurka Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa maalmo kahor diyaarad looga qaaday magaalada Garowe kadib markii xaaladiisa caafimaad ay soo xumaatay oo ay neef ku dhegtay.

Waxaa uu kamid ahaa Wasiiraddii Puntland xanuunka uu ku dhacay markii ay arrimaha gurmadka u joogeen magaalada Qardho.

Waa wasiirkii ugu horeeyay ee Puntland katirsan oo cudurka u geeriyooda. – Hiran Online

Leave a Reply