Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Finlaand (Finland) Ayaa Yimid Dalka Soomaaliya

 

Dusa (Jimca), 7da Abriilo, 2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo warinayaa in Ergo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Finlaand (Finland), Beka Haafisto (Pekka Haavisto) in ay kasoo degtay Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warka wuxuu ku darayaa in Ergada uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Finlaand (Finland) lagu soo dhaweeyay Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay Ergo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse.

Warka wuxuu kusii darayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Finlaand (Finland) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Soomaaliya ay Wadahadalo yeesheen.

“Wadahadalo hordhac ah oon yeelanay waxaan bogaadiyay Kaalinta Dowladda Finlaand (Finland) ee Nabad Dhiska, Xasiloonada iyo Martigelinta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo fara badan. Finlaand (Finland) horay ayay Dalka u joogtay, Safaaradna way ku leeyihiin, Mashaariic Badan oo ay naga caawiyaan oo ay ka shaqeeyaan way jirtaa, Wafdigaan muhiimad gaar ah buu u leeyahay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Finlaand (Finland) uu soo booqdo Soomaaliya taasi waxay sii xoojneysaa Iskaashiga naga dhexeeya”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse.

Dalka Finlaand (Finland) ayaa wuxuu 4tii Bishan Abriilo ee Guggan 2023da uu kamid noqday Gaashaan-buurta NATO (North Atlantic Treaty Organization), wuxuuna noqday Dalkii 31aad oo kamid ah Gaashaan-buurta NATO (North Atlantic Treaty Organization).

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).