Wasiiradii hore ee Hirshabelle oo dacwad ka dhan ah Madaxda Hirshabelle u gudbiyay Maxkamad

 

08-03-2019

 

Qaar ka mid ah wasiiradii hore ee xilka laga qaaday ee maamulka Hirshabeelle ayaa dacwad ka dhan ah ka gudbiyay madaxda sare ee dowlada goboleedka Hirshabelle.

Xubnahan oo tiradoodu gaareyso 11 wasiir ayaa doonaya sida ay sheegeen xuquuqda mushaaraadkooda oo gaareysa 15 bilood.

Axmed Muuse Xuseen Wasiirkii hore ee Biyaha,tamarta iyo Macdanta ayaa sheegay in qareen ay qabsadeen kana sugayaan jawaabta dacwadooda saddexda mas’uul ee ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wasiirkii hore ee Biyaha,tamarta iyo Macdanta Biyaha Hirshabelle Axmed Muuse ayaa sheegay in baarlamaanka Hirshabelle uu ansixiyay miisaaniyadooda iyo mushaaraadka golaha wasiirada.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay madaxda ugu sareysa Maamul goboleedka Hirshabelle ee la xiriirta dacwadan ka dhanka ah ee laga gudbiyay. – Jowhar News

Leave a Reply