Wasiir Kowaadka Dowladda Soomaaliya Ayaa Maanta Furay Masaajid Loogu Magac Daray Kalkaaliyehii Kelitaliyehii Soomaaliya Ee Magaciisaa Ahaa Jeneraal Dafle + SAWIRO

 

24-05-2019

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Warar soo gaaray Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) isla markaana kasoo gaaray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxey sheegayaan in Wasiir Kowaadka Dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu maanta furay Masaajid cusub oo ay yeelaneyso Haya’dda Wardoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya.

Masaajidka cusub ee maanta la furay ayey wararka sheegayaan in dhismahiisa uu soo qaatay 4 bilood, waxaana loogu magac daray Kalkaaliyehii Kelitaliyehii Soomaaliya ee magaciisaa ahaa Axmed Suleymaan Cabdalla Dafle kadib markii ay go’aansadeen Wasiir Kowaadka Dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow.

Jeneraal Axmed Suleymaan Cabdalla Dafle waxaa hada ku socdo dacwooyin aad u badan, waxaana dacwooyinkaasi soo gudbiyay dad ehel la ah dad lagu dhex dilay Xabsiyada Sooomaaliya; iyo dad kale ee lagu jir dilay Xabsiyada Soomaaliya Xiligii uu ahaa Taliyaha NSS (National Security Service) isla markaana kalkaaliyaha u ahaa Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Dadka dacwada ka gudbiyay waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ciise oo aabahiis Cabdullaahi Ciise lagu dhex dilay Xabsiga Soomaaliya xili uu Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ciise uu ku jiray uurka hooyadiis sanadka markuu ahaa 1971-dii.

Dadka kale ee dacwooyinka ka gudbiyay Jeneraal Dafle, waxaa kamid ah Mudaneyaasha Shiil iyo Xabad oo iyagane lagu jir dilay Xabsiga Soomaaliya.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply