Wasiir Ka Tirsanaa XFS Oo Goor Dhow Oo Is Casilay

16-12-2018

 

Muqdisho – Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa goor dhow ku dhawaaqay in uu Is Casilay.

Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa si rasmi ah u shaaciyay Is Casilaadiisa.

Waxaana sheegay in uu isku Casilay sababo uu ku sheegay faragalin ay dowladdu ku heyso arrimaha K/ Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray xiisado xoogan oo ka taagnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kuwaas oo ka dhashay xariggii Musharrax Roobow. – Radio Shabelle

Leave a Reply