Wasaaradda Diinta oo sheegtay in dal ku galka Xajka laga dhigay mid electronic ah

 

15-07-2019

 

Muqdisho – Wasaaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan dal ku galka xajka lagu bixin doono qaab electronic ah halkii sanadihii hore dalka dibadiisa loo qaadi jiray.

Wasiirka Wasaaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in xafiiska Wasaaradda lagu daabici doono fiisaha, taasi oo uu sheegay inay dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiir Sheekh Nuur ayaa sheegay in sanadkaan arrimaha xajka dowladda ay aad uga shaqeysay, isla markaana waxbadan kaga duwanyahay sanadihii hore.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta wuxuu kaloo sheegay in la mideeyay qiimaha xujeeyda Soomaaliyeed ku soo xajin doonaan, isagoo ugu danbeyn xusay ka warqabka xaalada xujeyda ay Wasaaradda isku xil saartay isla markaana wax badan laga qaban doona adeegyada aas aasiga u ah Xujeyda. – Radio Mogadiscio

Leave a Reply