Wariye ku sugan Jariiban oo Tooreey lagu dhaawacay

18-11-2018

 

Farxaan Faarax Cabdi oo ah wariye ka howlgala Idaacad maxali ah oo ku taala deegaanka jariiban ee gobalka Mudug ayaa lagu weeraray tooreey kadib markii ay murmeen qof ka mid ah dadka deegaanka.

Ilo ku sugan degmada Jariiban ayaa sheegay in wariyaha uu soo gaaray dhaawac waxaana la dhigay Isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ehelada wariyaha ayaa ku soo waramaya in dhaawaca Farxaan dhaqaatiirta ay u sheegeen inuu yahay mid culus, mana jirto faah faahin intaasi dheer oo laga heley.

Ninka tooreeyda watay oo ay wariyaha murmeen ayaa la sheegay in deegaanka laga yaqaano waxaana lagu micneeyay dagaal dhaxmaray wariyaha iyo qofka kale. – Baidoa News

Leave a Reply