Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Muqdisho

 

09/09/2019

 

Muqdisho – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax nooca gawaarida lagu dhejiyo ah oo ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan meel u dhow kaalin shidaal oo ku taalla inta u dhaxeysa dekadda Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Gaariga Nooca loo yaqaano sarufta ayaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxa, kadib markii loogu dhejiyay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu Magacaabo Janeraal Maxamed Cabdulle Dhoore, kaas oo Booliska u qabilsan Arrimaha dibadda, waxaana la sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday dhaawaca Sarkaalka gaariga watay oo la sheegay in dhaawiciisa uu yahay mid culus.

Saraakiisha Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli dhankooda wax faah faahin ah kama bixin qaraxaan Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho, waxaana Bilihii la soo dhaafay soo badanayay qaraxada lagu dhejiyo Gawaarida, iyada oo 25-kii bishii Agoosto ee sanadkaan qarax loogu dhejiyay gaarigiisa uu ku geeriyooday Maxamed Amiin Sheekh Cilmi oo mar soo noqday xoghayaha guud ee Maamulka gobolkan Banaadir. – Radio Risaala

Leave a Reply