Wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid-19 ee dalka Soomaaliya

 

03-06-2020

 

Muqdsho – Wasaaradda Caafimaadka ee Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay maanta ku sheegtay in baaritaankii u dambeeyay ee cudurka Covid-19 laga helay dad gaaraya 66 ruux kuwaasoo ku kala sugan Banaadir, Somaliland, Jubbaland iyo Puntland.

Warbixinta wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in 19 qof bogsatay, iyadoo aysan jirin cid u dhimatay cudurka.

Gobolka Banaadir ayaa laga helay 33 ruux ,Somaliland 26 ruux, Puntland 7 ruux ,44 ka mid ah dadka laga helay cudurka maanta ayaa 42 ay tahay rag halka 24 ay tahay dheddig.

Tirada dadka lagu helay cudurka Covid-19 ayaa gaartay 2,089 iyadoo ay ka bogsatay 380 ruux halka tirada cudurka u dhimatayna ay gaareyso 79 ruux.

Guud ahaan caalamka ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii hore markii uu dilaacay cudurka Covid-19 waxa uu ku dhacay dad ka badan lix malyan oo ruux halka ay u dhinteen dad gaaraya 375,000 oo ruux halka ay cudurkan ka bogsadeen dad ku dhow saddex malyan oo ruux. – Jowhar News

Leave a Reply