Walaac Xoogan Oo Laga Muujiyey Dhaq Dhaaqyada G/ Gedo

 

19-02-2020

 

Nabadoon Idiris Xasan Nuur oo ka mid ah waxgaradka degmada Beled-Xaawo ayaa walaac ka muujiyey dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Idris oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ciidamo aad u badan la geeyey degmooyinka gobolka, kuwaas oo ka kala socda dowladda iyo Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiisadaha u dhexeeya ciidamadaasi ay sababi karaan inuu dagaal dhexmaro labada dhinac.

Ugu dambeun Nabadoon Idiris Xasan Nuur ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisada, islamarkaana laga wada shaqeeyo xasiloonida gobolka. – Radio Shabelle

Leave a Reply