Wafdi Ka Socda Madasha Xisbiyada Qaran Oo Gargaar Gaarsiinaya Gobolka Sh/Dhexe

 

14-11-2019

 

Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa maanta waxaa ay u ambabaxeen deegaano katirsan gobolka Shabelelaha Dhexe.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay gurmad gargaara ah u wadaan dadka ka barakacay fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga waxaa qayb ka ah masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Himilo Qaran, UPD, Horusocod Qaran iyo Kulan, waxaana ay horay gargaar kala duwan u gaarsiiyeen Magaalooyinka Baladweyne iyo Bardaale.

Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo kamid ah meelaha fatahaada Wabiga uu saameeyey ayaa waxaa shalay gurmadkii ugu horeeyey gaarsiiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay kasoo aruurisay dhageystayaasheeda iyo daawadayaasheeda. – Shaaciye News

Leave a Reply